Puntland oo ka soo hor jeesatay qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid C/llaahi Deni oo shalay dib ugu soolaabtay magaalada Garoowe kadib safaro uu ku tagay dalalka Imaaraadka iyo Kenya ayaa waxa uu dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sidii loo maareeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxay xadgudub ku tahay nidaamka wax qeybsiga muuqda oo hadana howshii socotay ay aheyd mid aad u qaldan oo in la sheego habboon”ayuu yiri Saciid Deni.

“Tartankii markii uu soo dhowaaday waxaa dadkii liiska ku soo baxay ay wada noqdeen reer Puntland, waxaa la qaatay nin ka mid ah qoladii Guddiga imtixaanka qaadayay ee dadka kala xuleysay oo aanan reer Puntland aheyn, dadkii liiska soo galay waxay ahaayeen dad reer Puntland ahaa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com