Galmudug oo war kasoo saartay weerar hoobiyaal ah oo xalay lagu soo tuuray xarunta shirka Dhuusamareeb

Galmudug oo war kasoo saartay weerar hoobiyaal ah oo xalay lagu soo tuuray xarunta shirka Dhuusamareeb

Maamul goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay weerar hoobiyaal ah oo xalay lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Mas’uul u hadlay Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada militariga gaar ahaan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad Ciidanka xoogga dalka ay ku baxeen goob ay Al-Shabaab ka soo tuureen dhowr hoobiye oo ku dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Afhayeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay ku guuleysteen in ay dul tagaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas hoobiyaal ku tuurayay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaas.

Afhayeenku waxa uu sheegay in la dilay qaar kamid ah xubnaha Shabaab, halka kuwo kale dhaawac ahaan lagu qabtay balse faahfaahin kama bixin inta ay gaarayaan dadka la soo qabtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com