Galmudug: duqa cusub ee Gaalkacyo oo xilka la wareegay

Galmudug: duqa cusub  ee Gaalkacyo oo xilka la wareegay

Gudoomiyihi hore ee Degmada Gaalkacyo Hirsi Yuusuf Bare ayaa xilki degmada Gaalkacyo ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee degmada Cabdiraxaman Sheikh Xasan kadib munaasbad lagu qabtay Xarunta Dowlada hoose.

Gudoomiyaha cusub ee Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa ayaa la doortay dhawaan ka dib markii golaha degaankaasi Gaalkacyo lagu guuleystay in la hirgaliyo.

Munasabada xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in Gaalkacyo ay tahay magaaladii ugu horreysay ee Galmudug oo si sax ah loogu guuleysto dhismaha golaha degaankeeda.

Mas’uuliyiinta cusub ayay sidoo kale laga dalbaday in ay dardargaliyaan howlaha Ammaanka ee Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan Puntland iyo Galmudug.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com