Gaari maamulka Canfarta oo Cundhufo lagu rasaaseeyey dhaawacna sababay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Gaari maamulka Canfarta oo Cundhufo lagu rasaaseeyey dhaawacna sababay

Gaadhi ay wateen maamulka Canfarta ayaa saaka hiirtii hore lagu rasaaseeyey tuulada Cundhufo ee gobolka Sitti. Maamulka Canfarta oo lagu eedeynayo in

Maleeshiyaadka Oromada oo shacab ku laayey tuulada DAARIMI ee TULI GUULEED
Madaxweyne Mustafe Muxumed oo safar ku maraya Qabri Dahare
Jigjiga oo ku hawlan kahortagga Coronavirus iyo socodkii oo yaraaday

Gaadhi ay wateen maamulka Canfarta ayaa saaka hiirtii hore lagu rasaaseeyey tuulada Cundhufo ee gobolka Sitti. Maamulka Canfarta oo lagu eedeynayo in ay wadaan dhul balaadhsi ayaa loo maleynayaa in ay ka hortageen dadka deegaanku.

Gaadhiga rasaasta lala beegtay ayaa lagu soo warramayaa in ay wateen xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha kililka Canfarta, ayna u socdeen mushahar siiyaan shaqaalaha kililka Canfarta ee ka hawlagala tuuladana CUNDHUFO ee gobolka SITTI.

Rasaasta lala beegtay gaariga maamulka Canfarta ayaa waxaa ku dhaawacmay dirawalkii gaariga iyo mid kamid ah maamulka kililka Canfarta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: