Gaalkacyo oo la gaarsiiyay sanaadiiqda doorashooyinka golayaasha deegaanka

Gaalkacyo oo la gaarsiiyay sanaadiiqda doorashooyinka golayaasha deegaanka

Magaalada Gaalkacyo galabta waxaa la gaarsiiyey sanaadiiqda doorashooyinka golayaasha deegaanka gobolka Mudug. Gaalkacyo waxaa maalmahaan ku sugnaa siyaasiyiin reer Puntland oo ka kala yimid Xamar iyo Nairobi, dhammaantoodna waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan doorashooyin ka dhaca Puntland.

Dhallinta Mudug oo la kulmay siyaasiyiinta diidan doorashooyinka Puntland ayaa ka caalwaayey siyaasiyiinta, sheegayna in ay fahmi waayeen hadafka siyaasiyiinta Gaalkacyo jooga.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Gaalkacyo ayaa la mowqif ah, xulafano la ah siyaasiyiinta reer Garoowe ee loo yaqaan Aaranjaan. Ciidamo taabacsan Aaranjaano ayaa asbuucii hore weerar ku qaaday gaadiid siday sanaadiiqda gobolka Bari, hubna hordhigtay eeraboorka caalamiga ah ee Garoowe.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com