Fasal Cali Waraabe:”Farmaajo waxa uu doonayaa in dekadeenaha uu ku wareejo Itoobiya

Fasal Cali Waraabe:”Farmaajo waxa uu doonayaa in dekadeenaha uu ku wareejo Itoobiya

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Soomaaliland Eg Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay kulamo Magaaladda Nairobi uu kula qaatay wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliya ah oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen in ay ka hortagaan qorsho ay wadaan,Madaweyne Farmaajo,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya,Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Dekadaha soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorsho Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

“Laba mid ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya,madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Badeena ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu doonayo in dekadaha deegaanada Maamulka Somaliland uu gacanta u galiyo Itoobiya oo uu sheegay in ay doonayaan in ay ku milmaan geeska Afrika oo ay ku darsato dulka Soomaalida.

Fasal Cali warabe ayaa sidoo kale Waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay Mudo kordhinta loo sameeyay Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtada Somaliland oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu doonayo in uu deegaanadaasi ku Xukun kaligii talisnimo ah.

Dhawaan ayaa Golaha Guurtida Somaliland Golaha wakiilada Maamulkaasi waxa ay u kordhiyeen mudo Labo sano ah waxaana ka horyimid Xisbiyada Ucid iyo Wadani ee Somaliland iyo beesha Caalamka oo ku baaqday in doorashada waqtigeeda la qabto oo aan mudo kordhin loo samayn Golayaasha Maamulkaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com