Farmaajo oo shacabka Somaliyeed ugu baaqay ka shaqaynta Amniga

HomeWararka

Farmaajo oo shacabka Somaliyeed ugu baaqay ka shaqaynta Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta boqolaal Shacab ah Salaadii Ciida kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa ka ha

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Taliska Ciidanka xooga dalka oo ka hadlay howlgalo ka socda dalka
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur “ku tumashada dastuurka waa khiyaano qaran”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta boqolaal Shacab ah Salaadii Ciida kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo qaabkii ay ciidamada xasilinta u wajaheen sugida amniga intii lagu guda jiray Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada xasilinta ay ku guuleysteen in wax falal amnidarro ah aysan ka dhicin magalada Caasimadda ah ee Muqdisho intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan,isla markaana dowladda Soomaaliya ay awood dheerada ah siineysay amniga.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay kala qeyb qaataan sidii looga hortegi lahaa falalka amidarro oo ay maleegayaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa daba socday kadib mudo 30 Cisho ah oo Magalada Muqdisho Wadooyinkeeda lagu arkayey Ciidamada xasilinta Caasimadda kuwaas oo badi xiray isku-socodka Gaadiidka dadweynaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: