Farmaajo oo ka hadlay qaraxii saldhiga Waabari oo ay Al-shabaab ku xasuuqday saraakiil ciidan

HomeWararka

Farmaajo oo ka hadlay qaraxii saldhiga Waabari oo ay Al-shabaab ku xasuuqday saraakiil ciidan

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray saldhiga booliska de

Madaxweyne Farmaajo “Mucaaradku waa kuwa doonaya ineey dowaladda dumiyaan” (dhegayso)
Sarkaal u hadlay Ciidanka SSC: “SNM Jab xoogan ayaa maanta dagaalki lagu gaarsiyeey”
Dhalinyarada Somaliyeed iyo saamaynta uu ku yeeshay bandowgi Nairobi ka dhaqangalay (dhegayso)

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray saldhiga booliska degmada Waaberi waxana uu tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: