Fahad Yaasiin oo Saaka ka Soo Degey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Agaasimihii hore ee hay’ada Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka ka soo degey garoonka diyaaradah Aden Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib markii diyaarad gaar ah ay ka soo qaaday dalka Turkiga.

Fahad Yaasiin ayaa safarkiisa magaalada Muqdisho ku imanayay dib u dhac ku yimid 17kii bishan kadib markii diyaarad uu ka soo raacay dalka Turkiga lagu xayiray magaalada Jabuuti kadibna dib ugu laabatay dalka Turkiga.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan waxa uu u magacaabay madaxweynaha xilku ka dhamaaday Farmaajo Lataliyaha gaarka ah ee dhinaca Amniga,hase yeeshee waxaa loo gudbiya dacwad lid ku ah Fahad Yaasiin Maxkamad Ciidamada iyadoo lagu eedeeyay ku lug leeyahay Kiiska Ikraan Tahliil oo ay hay’ada NISA ku sheegtay in ay dileen Ururka Alshabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com