Fadhigii Baarlamaanka oo buuq kadib xirmay iyo ballan Axadda ah oo la qabsaday.

Fadhigii Baarlamaanka oo buuq kadib xirmay iyo ballan Axadda ah oo la qabsaday.

Kulankii baarlamaanka Puntland ee loo madlanaa maanta oo Khamiis ah ayaa si dhakhsiyo leh u soo xirmay kadib markii guddigii soo gudbinlahaa wax ka baddelka xeerka doorashada iyo Jadwalkeeda ay codsadeen wakhti dbeeraad, iyagoo sidoo kalana dalbay xal-u-halka khilaafka siyaasadeedeed ee taagan.

Soojeedintaan guddi iyo dalbashada xilli dheeraad ah ayaa ahayd mid aan filayn marka loo eego dulucdii fadhiga, taasoo buuq abuurtay, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo u muuqday in uu saluugay soojeedinta guddi ayaa kala diray guddigaasi iyadoo fadhigii baarlamaankuna uu sidaas ku soo xirnay.

Tallaabadaan guddi iyo soogudbin la’aanta wax-ka-baddelka xeer doorashada ayaa qaboojin u ah xarad laga shaki qabay in ay ka abuurato tallaabo qaadka guddi iyo go’aan gaaridda xigi kartay ee baarlamaanka.

Axadda ayaa dib loogu ballamau in fadhi la iskugu yimaado, iyadoo la filayo guddoomiyuhu in uu guddi kale magacaabo.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com