Faaladda Daljir: Wax ka ogoow 10 ka kursi ee ay shaaciyeen Guddiga SEIT PUNTLAND

Faaladda Daljir: Wax ka ogoow 10 ka kursi ee ay shaaciyeen Guddiga SEIT PUNTLAND

Faaladda Daljir: Wax ka ogoow 10 ka kursi ee ay shaaciyeen Guddiga SEIT PUNTLAND
Kuraastan waxaa raadinaya dad badan, Intooda badana ay kamid yihiin golaha wasiirada Puntland iyo xataa qaar kamid ah Baarlamaanka Puntland oo ay kujiraan shirdoonka Baarlamaanka.

#HOP144 Deegaan Doorashadiisu waa gobolka Mudug waxaa hadda ku fadhiya Faysal Abdulle Guuleed (Faysal Abdulle Bidaar), waxaa la filayaa inuu ka dhaco tartan adag Warar ayaa sheegaya in Kursigan uu u sharaxan yahay Wasiirka Qorshaynta ee Puntland Cabdi Qafaar Xaange oo ay isku jifo hoose yihiin Xildhibaanka hadda ku fadhiya ee Faysal Bidaar.

#HOP200 Waxaa laga doortaa gobolka Nugaal, waxaa hadda ku fadhiya Cali Yuusuf Cali Xoosh kursigan waa mid aan ilaa hadda la saadaalin karin Mustaqbalkiisa, Inta badan kursigan Tartan adag kama dhici jirin tagtooyinkii hore oo waxaa go’aan ka gaara Madaxda dhaqanka, balse sanadkan waxaa aad u badan ololihiisa, Xildhibaanka hadda ku fadhiya ayaa aad ugu ololaynaya inuu markale ku fadhiisto Kursigan, Madaxda dhaqanka oo kursigan go’aanka ugu danbeeya ku lahaan jireyna war kama soosaarin weli.

#HOP235, Waxaa laga doortaa gobolka Sool, hadda waxaa ku fadhiya Wasiirka Kaluumaysiga Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdilaahi Warsame Bidhaan, Markale ayuu u sharaxan yahay kursigan, Wararku waxay sheegayaan in culays badan uusan kajirin tartanka Kursigan.

#HOP094 waxaa laga doortaa gobolka Cayn, hadda waxaa ku fadhiya Xildhibaan Axmed Ismaaciil Shabeel , Waa mid kamid ah kuraasta ugu adag ee sanadka laga dooranayo Puntland, Dad magac leh ayaa shaaciyey inay kursigan u ordayaan, Warar ayaa sheegaya in dadka Kursigan danaynaya uu kamid yahay Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate Ismaaciil Maxamed Warsame, Inkastoo uusan shaacin hadana ilow ka ag dhow Ismaaciil ayaa Daljir u xaqiijiyey u hanqaltaagiisa kursigan.
#HOP196 waxaa laga doortaa gobolka Sool hadana waxaa ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Axmed Dubays, Kursigani waa mid uu ka dhici doono tartan adag, dadka u sharaxan waxaa kamid ah Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland Cabdi Warsame Qawdhan.

#HOP166, waxaa laga doortaa gobolka Mudug degmada Galdogob, waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Saadiq Warfaa, Kursigan waa kursi la filayo inuu ka dhaco tartan aad u adag , Waxaa shaaciyey inuu u sharaxan yahay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax, Waxaa kale oo u sharaxan Kursigan Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdilaahi Cabdi Xirsi, Xildhibaanka hadda ku fadhiya ayaa isna kamid ah dadka aadka ugu ordaya helitaanka kursigan.
#HOP232 Waxaa laga doortaa Gobolka Mudug Degmada Galdogob, waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Cabdirashiid Gaboobe, Kursigan dadka u sharaxan waxaa kamid Wasiiru Dawlaha Wasaarada shaqadda iyo shaqaalaha ee Puntland Farduus Cismaan Cigaal.

#HOP249 waxaa laga doortaa gobolka Cayn, hadda waxaa ku fadhiya Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, dadka u sharaxan waxaa kamid ah Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdilaahi Xuseen Rooble, oo hore ugu fadhin jirey Kursigan.

#HOP223 waxaa laga doorta gobolka Nugaal, waxaana hadda ku fadhiya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulle Jaabir, Kursigan waa kursi aad u adag dad badan baa ku tartamaya, dadka raadinaya waxaa kamid ah Xirsi Gaani oo katirsan golaha Wasiirada ee Jubbaland, Kursigan iyo kuwo kale ayuu Madaxweynaha Jubbaland danaynayaa inay uga soo baxaan Puntland.

#Hop128 waxaa laga doortaa gobolka Mudug, Waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cabdi Kaafi, kursigan dadka raadinaya waxaa kamid ah General Shaalle oo 2019 isu soo sharaxay xilka Madaxnimo ee Puntland.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com