Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay

Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax qasaare geystey oo goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso waxaana ay la qaraxday gaari nooca loo yaaqaan SURF,waxaana la sheegay inay ku dhinteen saddex ruux oo gaariga saarnaa halka qof dumar ah wadada maraysay ay ku dhaawacantay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

Lama oga ilaa iyo haatan cida rasmiga ah ee saarneyd gaarigan oo qaraxan uu haleelay.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com