Faahfaahin Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay Saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne

Faahfaahin Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay Saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii qarax ka dhacay gudaha saldhigga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey Duqii deegaanka Feer-feer Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad ku laheyd Saldhiga gudahiisa ayaa ku dhintay qaraxa miino.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhawacmay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baladweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel,sarkaal ka tirsanaa maamulka Feerfeer iyo askar boolis ah oo ka tirsanaa saldhiga booliska Beledweyne.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyadoo lagu wado in magaalada Beledweyne ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com