HomeUncategorized

Ergada shirka Khaatumo II oo isku raacay in maamul goboleed laga dhiso gobollada Sool, Sanaag & Cayn.

Caption ...

DHEGEYSO-Wajiga 1aad ee heshiisiinta beelo ku dagaalamay Sool oo lasoo afmeeray.
Muwadaaniin Soomaaliyeed oo ku xaniban Garoonka Diyaaradaha ee JOMO Kenyatta
Dawladda Soomaaliya oo deeq hub ah ka guddoontay dawladda Jabuuti (Sawiro)

Taleex, Jan 10 – Shira Khaatumo II oo mudooyinkii danbe ka socdey degmada Taleex ayaa maanta laga soo saaray go’aamo ku aadan ajandayaashii shirka, kuwaasoo mudooyinkii danbe loo dhegtaagayey.

Go’aamadan oo la sheegay in mudo laba maalmood ah ay ka doodayeen ergooyinka u fadhiya shirka ayaa la sheegay in maanta ay ergooyinku u codeeyeen, iskuna raaceen in maamul u gaar ah ay samaystaan shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Saleebaan X. Cali Samatar ‘Wejixaad’ oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga dhaqaalaha shirka Khaatumo II iyo Adam Cabdillaahi Shuuriye oo ah madaxa saxaafada ee shirka ayaa iyagu si wada jir ah saxaafada ula hadlay kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta shirku ka socdo.

Md. Shuuriye oo akhriyey war saxaafadeedka shirka laga soo saaray ayaa sheegay in shirka ergooyinkiisu ay isku waafaqeen maamul goboleed loo sameeyo deegaanada SSC.

Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka shirka Khaatumo II ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan magaca maamulka saacada soo socda.

Isku soo wada duuboo, go’aamada ka soo baxay shirka Khaatumo II ayaa sugaya ansixinta Isimada iyo shirweynaha oo maalinta beriya la horgeyn doono, waxaana go’aamadani yihiin kuwo dadku hore u saadaalinayey in ay sidan u dhacdo; lama oga talaabada tan xigta ee shirka Khaatumo II ku dhaqaaqi doono.

Diiwaanka wararka
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: