Erdoğan, oo tagey Ukraine, lana kulmay dhigiisa dalkaas.

Erdoğan, oo tagey Ukraine, lana kulmay dhigiisa dalkaas.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdoğan, ayaa isku dayaya wareeg kale oo wada hadalo ah oo dhex mara xukuumadaha Mosco iyo Kiev.

Kulanka labada hogaamiye ayaa maanta oo khamiis ah ka qabsoomay magaalada Lviv, ee galbeedka dalka Ukraine, halkaas oo uu safar ku dhulka ah ku tagey Edigan, isagoo ka gudbay xadka Poland iyo Ukraine.

Safarka lviv, ee Edigan ayaa lagu wadaa inuu ku biiro Xoghayaha QM António Guterres , oo ay saddexda hogaamiyo ka arinsan doonaan sidii loo xoogin lahaa heshiiskii cunnada ee Istanbul,

António Guterres, ayaa booqan doona Dekada magaalada Odeso, oo ay ka socota daabulida Qamadiga iyo haruurka Ukraine, sida heshiiska Istanbul dhigayo .

Kooxda dabagalka heshiiska Cunnada ee Istanbuul, ayaa sheegay in afar Markab oo ka baxay Ukraine, ay marinayaan hubin sida heshiisku dhigayo.

Waxaa ka mid ah Markabka Osprey S, oo u sidda hadhuudh Turkiga, Raamus iyo shixnad qamadi ah oo ku sii jeeday Turkiga, Taliyaha Geesinimada oo qamadi u sida Jabuuti, iyo Bonita, oo galley, u sida Kuuriyada Koonfureed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com