Duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho oo  Baaqday & Fahad Yaasiin oo saaran Diyaarada

HomeWararka

Duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho oo Baaqday & Fahad Yaasiin oo saaran Diyaarada

Duulimaadkii saaka ee Diyaarada Turkish Airlines ee Muqdiusho ayaa maanta ku hakatay garoonka diyaaradaha ee dalka Jabuuti. Wararka qaar ayaa sheeg

Waraysi Nabadon Xuseen Awees Xaaji Cabdi, Nabadoonka marxuunka ku dhintay gacanta ciidanka Jan. Muxyadin (dhegayso)
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida oo Masuuliyin ku eedeysay inay guryahooda ku hayaan shabaab
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Duulimaadkii saaka ee Diyaarada Turkish Airlines ee Muqdiusho ayaa maanta ku hakatay garoonka diyaaradaha ee dalka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu saaran yahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo saaka ku soo wajahnaa Muqdisho.

Dhanka kale sida ay Ilo xogogaal ah daljir usheegeen waxaa garoonka gaaray saaka Ilaalo xooggan oo ka tirsan Nabadsugida, iyagoo sugayay Diyaaradda Turkish Airlines taasoo dhalisay tuhunka ah in diyaaradda uu saaran yahay Fahad Yaasiin, Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ay tahay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa cirka isku shareeray waxaana laga cabsi qabaa in saameyn weyn ku yeelato guud ahaan dalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: