
Bossaso, Aug 13-Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo soo gaaray heer gabagabo ah ayaa waxaa xalay ku tartamay laba ka mid ah dugsiyada sare ee usoo gudbay wareegga afaraad ee barnaamijka.
Dugsiyada Al-Najah Boosaso iyo Gambool Garoowe ayaa xalay ku tartamay barnaamijka, labada dugsi ayaa? soo bandhigay tartan xamaasad badan, dugsi kasta ayaa? dadaal ugu jiray inuu usoo gudbo Final ama wareega ugu dambeeya ee barnaamijka.
Dugsiga Al-Najax Bosaso ayaa gabagabdii guusha ku raacday una soo baxay fiinaalaha? barnaamijka markii uu ka badiyay dugsiga Gambool Garowe.
Gudiga barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa sheegay tartanka inuu kusoo gabagaboobay.
Al-Najax Bosaso 13-darajjo
Gambool Garoowe 8-darajjo.
Caawa ayaa waxaa tartami doona Al-Nuur Baran iyo Imaamu Nawawi Garowe, labada dugsi midkii guulaysta ayaa usoo gudbaya fiinalaha barnaamijka oo xiligaan uu usoo baxay dugsiga sare ee Al-Najax Bosaso.
?
Yasin Maxamed Cali
Radio Daljir,Bosaso
FAALLOOYIN & FALCELIN