Duqii magaalada Nayroobi oo maxkamad la soo taagay

HomeWararka

Duqii magaalada Nayroobi oo maxkamad la soo taagay

Gudoomiyaha Nairobi ayaa maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedo dambiyeed ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush. Gudo

BOOLISKA SOOMAALIYA OO FAAFAAHIN KABIXIYEY XAYIRAADII SALEY LAGU SAMEEYEY GUDOOMIYE KUXIGEENKA KOWAAD EE BFS
KULAN ISDHAXGALKA BULSHADA IYO KOR UQAADISTA AMAANKA LOOGA HADLAYEY OO GAROWE LAGU QABTEY
Israa’iil Iyo Iiraan oo qarka u saaran dagaal fool ka fool ah

Gudoomiyaha Nairobi ayaa maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedo dambiyeed ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush.

Gudoomiye Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la xiriira musuq maasuq ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iiday lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaaraya ilaa 3 milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.

Waxa uu diiday inuu qirto dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa ee uu xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska rabshada ka hortaga.

“Waxaad si ula kac ah ku heshay hanti iyo lacago adigoo og iney yihiin kuwo fal danbiyeed ah,” ayuu maxkamadda ka hor sheegay qareenka dowladda. Hase ahaatee, Sonko ayaa ku jawaabay ineysan eedeyntaasi “run ahayn.”

Qareennada dowladda ayaa sidoo kale akhriyey faahfaahinnada akkoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay kusoo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay tartanka qandaraas ee gobolka uu maamulo.

Sonko ayaa fasaxa todobaadka ku qaatay xabsiga ka dib markii si lama filaan ah looga soo xiray koonfurta Voi ka dibna loosoo duuliyey xavsi ku yaalla magaalada Nairobi.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: