Duqeymo ka dhacay degaanka Masjid Cali Gaduud & faah faahino laga helayo

Duqeymo ka dhacay degaanka Masjid Cali Gaduud & faah faahino laga helayo

Duqeymo diyaaradeed ayaa lagu soo waramayaa inay saaka ka dhaceen degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo shalay dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa sheegaya in goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab lala bartimaameedsaday duqeynta, waxaana saraakiil Ciidan oo ku sugan aaga degaanka Masaajid Cali Gaduud ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ayaa waxaala sheegay inay duqeynta fuliyeen si loo wiiqo Al-Shabaab oo isku aruursaday duleedka degaanka Masaajid Cali gaduud si ay markale u soo weeraraan degaanka oo qeyb kamid ah ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.

Wararka kale ee Risaala ay ka haleyso degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhee ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda & dadka degaanka ay dib magalada uga baxeen, isla markaana ay ku sugan yihiin duleedka Bari ee degaanka Masaajid Cali gaduud, waxana laga cabsi qabaa in markale ay dhinacyadu dagaalamaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com