Duqa Muqdisho oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Duqa Muqdisho oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hotel Hayaat.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu murugada la wadaagaya Ehelada walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii ka dhacay Hotel Hayaat ee Degmada Wadajir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa geesiyaasha ciidanka Amniga uga mahad celiyay sida ay marwalba naftooda ugu horaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed,

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baaqay in loo midoowo la dagaalanka Argagixisada iyo cirib tirkooda si Ummada Soomaaliyeed ay ugu noolaadan Nabbad iyo Horumar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com