Duqa Muqdisho oo booqday goob ciidamo kawada tirsan DFS ku dagaalameen

Duqa Muqdisho oo booqday goob ciidamo kawada tirsan DFS ku dagaalameen

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday degmada Deyniile oo saaka dagaal khasaare geystey uu ku dhex maray ciidamo Milatari ah iyo kuwo Boolis ah.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka xoogan, waxa uuna sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cid kasta oo ku xad gudubta sharciga.

Iskahorimaadka oo ay dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ayuu guddoomiyaha degmada Deyniile Jacfar ku tilmaamay inuu ahaa mid ay ciidamo ku soo qaadeen dad shacab ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamo milatari ah ay isku dayeen inay burburiyeen guryo ay dad shacab ah degen yihiin hase yeeshee waxaa ka soo horjeestey ciidamo taabacsan maamulka degmada Deyniile.

Ugu dambeyntii dagaalka ayaa joogsaday kadib markii ay kala dhex galeen ciidamadii dagaalamayay ciidamada loo yaqaan Haramcad.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • crétin 4 years ago

    Waxaan raadinaa nin aroos ka sameeya Soomaaliya, waxaan bixin doonaa 50,000 usd.
    Wac +22 588 686 562

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com