Duqa magaalada Nurdagi ee dalka Turkiga oo la xiray

Duqa magaalada Nurdagi ee dalka Turkiga oo la xiray

Duq magaallo, kana tirsan Xisbiga haya Talada dalka Turkiga ee Caddaalada iyo Horumarinta ee AKP ayaa Xabsiga loo taxaabay, isagoo ka mid noqday dadka lala xiriirinayo dhismayaashii ku burburay Dhul-gariirkii bishan 6-dii ka dhacay 11 Gobal oo ka tirsan dalkaasi.

Okkes Kavak oo ah Duqa magaallada Nurdagi ee Gobalka Gaziantep (Dilok) ayaa loo taxaabay Xabsiga, isagoo ku eedeysan burbur ku yimid Dhismooyin ay hirgelisay Shirkadiisa Khaaska ee u qaabilsan Dhismayaasha.

Duqa la xiray waxa uu Xilkiisa ka sokow ku shaqaystaa Xirfadda Qandaraasle Dhismooyinka.

In ka badan 10,000 oo Dhismo ayaa la sheegay inay ku hoobteen Dhul-gariirkii saameeyey 11 Gobal oo ku yaalla K/Bari ee dalkaasi.

Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee AFAD waxay Jimcihii sheegtay in Tirada Guud ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii Mataanaha inay gaareen 44,218 qof.

Magaalladda Kahramanmaraş oo keliya waxaa ku dhintay in ka badan 50,000 oo qof

Dhanka kale, Wasiirka Caddaalada ee dalka Turkiye, Bekir Bozdag waxa uu sheegay in la ballaariyey Hawlgalka lagu soo xirayo Dadka ku lugta leh Dhismayaashii burburay.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Diyarbakir ayuu sheegay in la xiray 184 Eedeysane oo 79 ka mid ahaa Qandaraaslayaal Dhismooyinka.

Wasiir Bekir Bozdag waxa uu xusay in 612 Eedeysane lagu sameeyey Baaritaano ku aadan Dhismayaashii ku burburay Dhul-gariirkii dhacay bishan February 6-dii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com