Dulucdoorka Tartan iyo Tacliin  Waxaa qoray Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah ee Wasaarada Waxbarashada Puntland

HomeWararka

Dulucdoorka Tartan iyo Tacliin Waxaa qoray Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah ee Wasaarada Waxbarashada Puntland

Dulucdoorka (Barnamijka) Tartan iyo Tacliin oo gu'yaal badan uu Radio Daljir u soo qabanayey Dugsiyada Sare ee Puntland, ayaa gu'ganna sidii caaddada

Muungaab: “Ma Jirto Meel Uu Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Kasoo Geli Karo Kiiska Ikraan,”
Warka Caweysin iyo Fadumo degan , Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Puntland oo raali galin ka bixisay hadal dhawaan Madaxweyne gaas uu ka jeediyay Gobolka Sanaag : Akhriso

Dulucdoorka (Barnamijka) Tartan iyo Tacliin oo gu’yaal badan uu Radio Daljir u soo qabanayey Dugsiyada Sare ee Puntland, ayaa gu’ganna sidii caaddada u ahayd bisha soonqaad, Radio Daljir, Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland, iyo Hay’adda Waxbarashada Ahliga ah ee (Puntland Education Network) oo is-kaashanaya u qabteen 32 dugsi oo ah dugsiyo sare oo laga soo kala xulay sagaalka gobol ee dawladda Puntland, waxa iyaguna xusid in dulucdoorkan si wada jira ay u maalgeliyeen Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia iyo SALAAM BANK
Barnaamijkaa waxaa hoggaaminayey kana garsoorayey guddi gaar u ah oo loogu yeedho Guddiga Dulucdoorka Tartan iyo Tacliin, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay Wasiir-hore Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), xoghayana uu u yahay Maxamed Cali Maxamed.

Sannadkan iyo sannadkii horeba waxa Barnaamijka baahintiisa tebineed lagu gardaadinayey Istuudiyow casriya oo ay Radio Daljir u gaashyeysay. Istuudyowgan ayaa ah mid maqal iyo muuqaal toos ah oo ay bulsho weynta Soomaaliyeed ugu la socoto (gudde iyo dibadba). Baahintan casriga ahna waxa ammaan iyo maamuus milgo sare lehba ku mudan agaasimaha Radio Daljir Suxufi-sare Khadar Awl Ismail iyo shaqaalihiisa oo isku duubban. Waxa iyadana aan la ilaawi karin hab tebinta laaxibboon ee uu barnaamijka u daadiheeynayey suxufiga ruugcaddaaga ah ee qoraaga iyo Abwaankaba ah ee Mudane Wel Hajji.

Dhab ahaantii sannadkan ayaa ahaa mid xiiso gaara leh, kaas oo ka cuslaa kuwii hore, sababta oo ah iskuullada oo labanlaab ka badnaa kal hore iyo diyaargarowga tartamayaasha oo ka heer sareeyey kuwii ka qaybgalay kalkii hore.
Tartanka oo ay dhexmereen 32 dugsi, waxay si toos ah u tartameen 16 habeen oo xiriir ah, iyada oo habeen walba ay lix dugsi sare foodda isdarayeen. Tartaankaasi waxaa uu ahaa wareeggii koowaad, waxaana ka soo baxay 16 iskuul, kuwaas oo uu gudbay wareegga labaad ee tartanka. Wareeggaas labaad habeenkii waxaa ku tartamayey afar iskuul, waxaana ka soo baxay 8 dugsi oo u soo baxay wareegga saddexaad.

Haddaba 8-da dugsi markii ay baratameen waxa iyagana ka soo baxay afar iskuul, oo u soo gudbay wareegga afaraad (semi-final), kuwaasna waxay kala ahaayeen:

1- Dugsiga Sare ee Alfurqaan (Badhan, gobolka Sanaag)
2- Dugsiga Sare ee Dangorayo (Dangorayo, gobolka Nugaal)
3- Dugsiga Sare ee Gambool (Garowe, gobolka Nugaal)
4- Dugsiga Sare ee Yaasiin Nuur (Gaalkacayo, gobolka Mudug).

Afartaas dugsi oo xalay foodda labo labo isduray, ayaa waxa ay u kala badsheen sidatan
1- Dugsiga Sare ee Alfurqaan vs Dugsiga Sare ee Gambool, waxayna guushii raacday Dugsiga Sare ee Gambool
2- Dugsiga Sare ee Dangorayo vs Dugsiga Sare ee Yaasiin Nuur, waxayna guushu raacday Dugsiga Sare ee Dangorayo.
Sidaas darteed kaalinta koowaad waxa ku baratami doona Dugsiyada Sare ee Gambool iyo Dangorayo. Halka Dugsiga Sare ee Yaasiin Nuur uu ku guuleystay kaalinta Saddexaad. Haddaba waxa dib laga soo sheegi doonaa taariikhda la qaban doono tartanka kama-dambeysta iyo bixinta abaalmarinnada la guddonsiin doono tartamaayasha ku kala guuleysta kaalinta kowaad, kaalinta labaad, kaalinta saddexaad iyo kaalinta afaraad, waxa iyana abaalmarin foollaad ah la siin doonaa dugsiga ku guuleysta anshax wanaagga.

Tartankan oo ahaa mid xiisaha iyo xamaasaddisu sareysay ayaa muddadii uu socday waxa xusid mudan, in si tallantaaliya ay uga soo qaybgaleen masuuliyiin iyo aqoonyahanno kala duwan, sida Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Ee Puntland Xurmadle Abdullahi Hassan , Wasiir Kuxigeenka WW&TS ee Puntland Xurmadle Cabdiraxmaan Yuusuf Tujaana, Agaasimaha Guud ee WW&TS ee Puntland Xurmadle Maxamed Cali Nuur (Jubba), Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Puntland Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, Xildhibaan Cawil Daad, Xildhibaan Xariir, Aqoonyahanno iyo Abwaanno kale. Waxa iyana xusid Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska iyo Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dedban ee WW&TS Suldana Hussein (Malyuun Xuseen Jaamac), iyo Lataliye Cabdiraxmaan in ay ahaayeen kuwo si joogto uga qaybqaadanayey dulucdoorkani intuu socday.

Haddaba Aniga oo ah Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Toosan ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland mudane Maanmaal Buureed Gurxan oo ku hadlaya afka Guddiga iyo dhammaan ka-qayb-qaatayaasha barnaamijka waxa aannu hambalyo iyo mahadcelin is-huwan hawada u marinnaynaa dhammaan mudannayaashii iyo masuuliyiintii iyo dugsiyadii ka soo qaybqaatay barnaamijkan, mar kale waxa aan leeyahay iyaga iyo bahda waxbarashada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed acmaasheenni wanaagsanayd ee bisha soonqaad Alle ha innaga aqbalo, soonkan soonkiisa kalena Alle bashbash iyo barwaaqo, cibaaddo suubban, caafimaad taama, iyo cisi sare ha innagu gaarsiiyo. Ciid Mubaraak.
****
Ciid Wanaagsan
Agaasimaha Waaxda Waxbarasha Toosan
Qaryaan Maanmaal Buureed

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: