Dulucda shirka Dhuusamareeb 3 iyo waxa saldhig u ah diidmada Puntland (dhegayso)

HomeWararka

Dulucda shirka Dhuusamareeb 3 iyo waxa saldhig u ah diidmada Puntland (dhegayso)

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta mamulka Galmudug waxaa taalla gogoshii saddexaad ee wadatashiga madaxda dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha xubnaha ah

26ka Juun iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo
BANDIIRADLEY, GALMUDUG: Hayaanka Galmudug, Himilada Shacabka & Waddada Dheer (Taxanihii 1aad)
Shan qof oo shacab ah oo ku geeriyooday gaari lagu rasaaseeyey Mudug

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta mamulka Galmudug waxaa taalla gogoshii saddexaad ee wadatashiga madaxda dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha xubnaha ah dawladda federaalka, gogoshaasi oo fidsanaanteeda ka sokow aan weli lagu fariisan, furminna shirkeedu.

Madaxweynaha dawladda federaalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo madaxweynayaasha maamullada Galmudug, koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo loo madlanaa in uu ka furmo 15kii bisha shir wadtashi, hase ahaatee waxaan illaa hadda immaanin, loona badinayaa in ay ka baaqsadeen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo saluugay sida ay wax u socdaan.

Cabdillaahi Xaashi Qoobdeero waa wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha gudaha Puntland, wareysi uu siiyey Radio Daljir ayuu uga hadlayaa shirka Dhuusamareeb, marxaladda kala guurka iyo saadaalaha siyaasadeed ee muuqda.

Hoos kaga bogo Waraysiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: