26ka Juun iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

26ka Juun iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

Xuska 26ka Juun ayaa kamid ahaa arrimihii ugu weynaa ee ka socdey magaalada Laascaanood, iyadoo la hagaajiyey aadna loo qurxiyey xarunta Dawlada Hoose

Shabakad Maafiyo ah oo Dowladda Soomaaliya ka dalbatay Abaalmarin qaraxyadii Muqdisho kadib (qormo)
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteriya maxay salka ku haysaa?
PUNTLAND OO KA CUDUDAARATAY ICLAANKII MADAXWEYNAHA-MUDDO-XILEEDKU-KA-IDLAADAY

Xuska 26ka Juun ayaa kamid ahaa arrimihii ugu weynaa ee ka socdey magaalada Laascaanood, iyadoo la hagaajiyey aadna loo qurxiyey xarunta Dawlada Hoose. Dhammaan calamada maamul goboleedada ayaa wajahada xaruntaasi lagu safay taas oo ka turjumaysa midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qurxinta xarunta waxaa dabasocday madaafiic aad u xooggan oo Somaliland ku garaacayso magaalada iyadoo Dawladda Hoose iyo nawaaxigeeda ay ku dheceen in ka badan toban qunbuladood, balse taasi ma joojin hawlihii qabanqaabada.

Qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa habeenimadii xalay halkaasi ku sugnaa si ay u sugaan calansaarka oo saqbadhka ku aadan maadaama aan muddo 15 sano ka badan aan tan oo kale Laascaanood ka dhicin.
Rasaas xoog leh oo tan iftiimisada loo yaqaan u badan ayaa guud ahaan magaalada hadhaysay markii uu habeenku kala badhmay. Dad badan ayaa u qaatay in magaalada uu dagaal ka bilaabmay balse waxa ay noqotay dabaaldeg.

 

Maayirka Laascaanood Cabdikariin Cali Qaseb oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si aad ah ugu dheeraaday dagaalkii dadka degaankani ay la galeen gumeystihii Ingiriiska, waxaanu xusay in dadkii xornimadan qaatay ay iyaga ahaayeen.

“Kuwii raaciyada u ahaa ee la socdey gumeystaha waa kuwa haatan madaafiicda magaalada la dhacaya, markastana ku doodaya in xadkii gumeytuhu umadda ku qaybiyey ay raadinayaan,” ayuu yidhi maayirku.

Dabaaldegga 26ka Juun laga dabaaldegay, iyo waliba sida loo dabaaldegay, waxay Somaliland ku ahayd dhabarjab aad u weyn maadaama ay aad isugu dayeen in ay khalkhal geliyaan ammaanka magaalada si loo hakiyo dabaaldegga iyo xuska maalinka xorriyadda. Waxaa kale oo habeenka xuska la filayey in lagu dhawaaqo Guddi la wareega maamulka degaanada SSC oo badela Guddiga haatan shaqeeya ee 33da xubnood ka kooban. Baaqashada magacaabida Guddiga oo aad loo saadaalinayey ayaa loo sababeeyey dhammaan madaxdhaqameedkii oo socdaalo ugu maqan degaanada gudaha iyo dalka dibediisa.

Magaalada Laascaanood ayaa maalmahaan waxay u muuqatey in ay dib-u-soo-noolaatey, suuqyadeeduna ay camirmayeen maalmaha Ciidda dartood, laakiin se hadda u muuqda kuwo xidhmaya, waxaana dib-u-bilaabmay qax dadkii ku soo noqday muddadii ay deganayd.

“Laascaanood ayaan ka qaxay, waxaan tegey Dhamasaar, dagaal baa igu qabsaday, haddana waan ka qaxay, waxaan tegey Widhwih way igu adkaatay, waxaan haystaa caruur agoon ah, anigaa u sheqeeya, dantaa igu qasabtay inaan Laascaanood ku soo noqdo si aan yowmiyada uga raadiyo, hadda se waan ku qasbanahay inaan ka qaxo oo meel uun baan aadayaa,” sidaa waxaa Daljir u sheegtay hooyo duruuf adagi haysato oo ku sugan magaalada Laascaanood oo gaari raadinaysey caruurta u qaada.

DIYAARGAROW DAGAAL

Diyaargarow dagaal oo labada dhinac ah ayaa xawli ku socda. Dhanka Somaliland, Muuse Biixi iyo taliyihiisa ciidanka ayaa wacad ku maray in ay meesha ka saarayaan waxa ay ugu yeedheen xarrago dagaalan, oo aan maxaabiis iyo dhaawac toona la cafin doonin. Dhaarta Nuux Taani ee warbaahinta horteeda oo laga bixiyey fasiraado badan ayaa lagu macneeyey dhaar nin aan filasho guul maanka ku hayn, oo hadalka Nuux Taani ahaa hadal guuldarro uu ku saadaalinayo.

Dhanka SSC-Khaatumo, madaxda SSC ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin duullaan kasta oo kaga yimaada dhinaca Somaliland, iyadoo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe uu ku dhawaaqay in ay fasaxeen ciidamadooda oo weli ku taagnaa, sida uu sheegay, go’aankii Qaramada Midoobey.

Lama saadaalin karo tallaabada xigta ee Qaramada Midoobey iyo tan beesha caalamku ay qaadayaan, maadaama aanay soconin baaqoodii ku wajahnaa joojinta colaadda gobolka Sool, waxaa se aad loo hadalhayaa in Dawlada Federaalka laga suqayo qaabka ugu habboon oo xiisadda lagu soo afjari karo.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood & Daljir Garoowe

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: