Dr. Saadiq Eenow: Dadnimo Yeelo oo Baro Taariikhda Dadkaaga iyo Dalkaaga (dhegayso)

HomeWararkaRaadreeb

Dr. Saadiq Eenow: Dadnimo Yeelo oo Baro Taariikhda Dadkaaga iyo Dalkaaga (dhegayso)

Dulucda Mawduuca Asbuucaan: Dadnimo yeelo, dalkaaga baro, taariikhdaada daris, oo Soomaalinimadaada ku faan; ha oggolaan in dalkaaga lagugu diro, oo h

MADASHA DALJIR | Madal kulmisay dawladda, mucaaradka & xisbiyada siyaasadda
Wareysi Axmed Maxmed Shire ‘Raage’: Shidaalka & Macdanta Soomaaliya
MADASHA DALJIR | Dood kulul oo dhexmartay Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiir Maxamed Cabdiwahaab iyo Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir

Dulucda Mawduuca Asbuucaan: Dadnimo yeelo, dalkaaga baro, taariikhdaada daris, oo Soomaalinimadaada ku faan; ha oggolaan in dalkaaga lagugu diro, oo ha oggolaan in Soomaaliga walaalkaa ah cadow lagaaga dhigo; ha oggolaan in cadowga dadkaaga iyo dalkaaga lagu walaalaysiyo. Dad jira noqda, oo dad ka dashay, dalna leh!

*****

Qaybta 1aad

*****

Dr. Saadiq Maxamed Axmed ‘Saadiq Eenow’ waa siyaasi xilal kala duwan soo qabtay, waxa uuna mar ahaa mushharax Madaxweyne, marna soo noqday Wasiirka Caafimaadka Puntland. Waa aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga taariikhda iyo juquraafiga; waa dhakhtar qalliimada carruurta; waana qoraa diyaarshay, daabacayna kutubo badan oo diini iyo maadiba isku jirta.

Dr. Saadiq Eenow waxaa kale oo uu muddo badan ka shaqaynayey arrimaha cilmibaarista, isaga oo wax badan ka daraaseeyey, kana diyaariyey taariikhda dad iyo dal ee Soomaaliya.

Maanta aan idin la qaybsano khudbad uu ka jeediyey masaajid ku yaalla magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, ee dalka Markaykanka. Khudbadda waxaa uu uga hadlayaa Juquraafi ahaan dalka Soomaaliya meesha uu ku yaallo habboonaanteeda, noocyada khayraad ee Soomaaliya uu Rabbi ku mannaystay, iyo fursadaha bannaan ee dadka Soomaaliyeed ay weli ka faa’idaysan la’yihiin.

Asbuucaan waa qaybtii 1aad ee khudbadda Datoorka, todobaadka dambena waxaad maqli doono qaybta 2aad oo isla qaddiyadahaan ku saabsan.

Hoos ka dhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 2
DISQUS: