HomeUncategorized

“Dowladdu waxay diyaar u tahay wada hadal inay la gasho Al-Shabaab” R/wasaare Gaas.

Caption ...

Madaxwayne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyey kalfadhiga Baarlamaanka DF ee Soomaaliya
“Waxaa jira dad curyaaminaya amniga iyo dhaqaalaha Puntland, sidoo kale waxaa jirta abaar aad u daran ee aan u kacno” C/Sammed Cali Shire.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.

Muqdisho,Dec 16 -Ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay ururka Al-Shabaab inay wada hadal la galaan dowladda,si loo baajiyo dagaalka xoogan ee xiligaan kasocnaya qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali oo ka qayb galay maanta barnaamijka Maanka Hadal ee maalin kasta oo Jimco ah ka baxa warbaahinta Daljir ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dadaalka dowladiisa ee ku wajahan wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho iyo dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Dr Cabdiwali ayaa xusay dowladdu inay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal,isagoona sheegay inuu dagaalku xal noqon karin islamarkaana loo baahanyahay in dagaalka lagu badalo wadahal si loo gaaro heshiis iyadoo dhiig uusan daadanin.

Xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay dowladdu inay diyaar u tahay wada hadal lagu soo afjaro colaadda ka taagan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: