HomeUncategorized

Dowladda yamen oo dadka aan u dhalano soo galootiga ah sheegey inay xanuuno dalka soo galiyaan.

Sanca, June 11-,2013, Wasaaradda Caafimaadka Dalka Yaman ayaa sheegtay in walaac xoogan ka qabto Cudurka dabeesha oo ku soo kordhaya Dalka Yaman, kaaso ay sheegen in virus ka dhaliya cudurka Dalka Soo galiyeen dadka muhaajiriinta ah ee ka yimaada Soomaaliya iyo dalal kale.

AKHRI-Qaramada midoobey oo diidey in Cabdiqaybdiid kamid noqdo aqalka sare.
Maamulka gobolka Cayn oo kormeeray riigga biyaha ee magaalada Buuhoodle, una kuurgalay hawlaha ceelka biyaha .
Somaliland oo sheegtay in ay ka laabatay wada-hadallo loo ballansanaa ee iyaga iyo dawlada federaalka, shuruudna ku xirtay.

Sanca, June 11-,2013,?Wasaaradda Caafimaadka Dalka Yaman ayaa sheegtay in walaac xoogan ka qabto Cudurka dabeesha oo ku soo kordhaya Dalka Yaman, kaaso ?ay sheegen in virus ka dhaliya cudurka Dalka Soo galiyeen dadka muhaajiriinta ah ee ka yimaada Soomaaliya iyo dalal kale.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Caafimaadka Yaman ayaa sheegey in cudurkaan uu yahay mid ku soo badanaya Dalka Yaman, islamarkaana ay keeneen dadka socotada ah ee soo galootigaa sida ay sheegeen kuwaas oo ka yimid dalalka Soomaaliya Itoobiya.

Ku dhawaad 200 oo ruux ayaa qaba Cudurkaan Dabeesha sida Wasiiraka Caafimaadka Yaman sheegay waxaana dadkaan lagu hayaa gooba caafimaad oo gaar ah, si aysan cudurkaa u sii faafin ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka dalka Yaman.

Dalka Yaman ayaa waxaa gaara sanad walba ?kumannaan ?tahriibayaal ah kuwaas oo ku hakada Dalka Yaman xiliyadda ay ?doonaya in ay uga sii gudbaaan Dalka Sacuudi Carabiya, halkaa oo marka ay gaaraan si xun loola dhaqmo madaama Dalka Sacuudiga dadka soo galootiga ah ay dib dalkooda ugu celiyaan.

?

?

Idle Moallim Omar

Radio Daljir Garowe

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: