Dowladda Ukraine oo Markab sida Qamadi farabadan soo gaarsiisay meelo kamid ah Soomaaliya

HomeWararka

Dowladda Ukraine oo Markab sida Qamadi farabadan soo gaarsiisay meelo kamid ah Soomaaliya

Kaalmada ay Ukraine ugu deeqday dadka Afrikaanka ah ee qarka u saaran inay macaluul u dhintaan, ayaa waxaa dekedda Berbera ee Soomaaliya la soo dejiya

Xildhibaanada Faderaalka oo Warsaxaafadeed kasoo saaray xiisadda Sool (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shacabka Qardho oo cabsi ka muujiyay roobabka iyo dabaylaha laga cabsi qabo ee soo fooleh

Kaalmada ay Ukraine ugu deeqday dadka Afrikaanka ah ee qarka u saaran inay macaluul u dhintaan, ayaa waxaa dekedda Berbera ee Soomaaliya la soo dejiyay 25,000 oo tan oo qamadi Ukraine ah.

Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa sidan ku soo qoray Twitter-ka, sida ay sheegtay Ukrinform.

“Iyadoo qayb ka ah barnaamijka haruurka ama qamadiga laga keenay Ukraine, markabka Neva waxa uu 25,000 oo tan oo qamadi Ukraine ah soo gaarsiiyay dekedda Berbera ee Soomaaliya. Tani waa gargaarka Ukraine ay siiso dadka Afrikaanka ah ee qarka u saaran macaluul. Iyadoo lala kaashanayo Barnaamijka Cunnada Adduunka. Kharashaadka saadka waxaa bixiyay Finland, France, iyo Japan,” ayuu qoray Yermak.

Sida la sheegay, kow iyo toban markab oo wata wax-soo-saarka beeraha Yukreeniyaanka ayaa dhawaan ka ambabaxay dekedaha Badda Madow ee Ukraine taas oo qayb ka ah Hindisaha Haruurka Badda Madow.

Bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa ku dhawaaqday in Ukraine ay ku biirin doonto 50,000 oo tan oo qamadi ah si ay gargaar bini’aadanti u noqoto si ay u taageerto tallaabooyinka dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: