Dowladda Soomaaliya & Sucuudiga oo ku heshiyeey in dib lo furo safaarada Sacudiga ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya & Sucuudiga oo ku heshiyeey in dib lo furo safaarada Sacudiga ee Muqdisho

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka wadahadlay sidii dib loogu furi lahaa safaaradii Sacuudiga ay ku lahayd dalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee booqasho ku caasimada dalka ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay yihiin xoojinta xiriirka wanaagsan ee iskaashiga ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa si gaar ah loogaga hadlay sidii dib loogu furi lahaa Safaaradda Sacuudi Carabiya uu ku lahaa caasimada dalka ee Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com