Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed .

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac , dardargalinta dadaallada taageerraya qoysaska abaaruhu saameeyeen iyo ka hortagga macaluusha ee carruurta.

“Waddankeenna wuxuu wajahaya xaalad bani’aadanimo oo si isku mid ah u saameysay Dalka oo dhan, si xaaladdaa looga jawaabo , waxaan howlgalkeenna isugu geynay taageerrada Bulshada gaar ahaan kuwa nugul.” ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale boggaadiyay howlgalka UNICEF.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil , ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka , xoojinta iskaashiga , iyadoo inta ku dartay inay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada .

Hay’adda UNICEF , ayaa Wasaaradda kala shaqeysa barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano) , gaar ahaan dhammeystirka nidaamka Xog-kaydiyaha Bulshada (Unified Social Registry), kaa oo hadda ku jira wajigii u dambeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com