Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, a

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Martisoor, Maanta iyo Wasiir Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran (dhegayso)
Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta billaabaya ka doodista waxka bedelka Dastuurka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in saddexdii todobaad ee la soo dhaafay ay sii kordheysay abaarta kajirta meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal Maanta ka jeediyay Shirka Madasha 5-aad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan aad uga waqrqabin dhibaatada abaareed ee kajirta dalka taas bedelkeedana ay ku mashuulsanayeen Arrimaha doorashooyinka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in abaarta jirta aawgeed ay saameyn doonto 7 Milyan oo Soomaali ah Saddex milyan oo kamid ahna ay kujiraan xaalad deg deg oo qatar ah ayna sii dheer tahay macluul daran oo heyso dad u badan Carruur.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in gurmadka la soo gaarsiiyanayo dadka ay Abaarta ku saameysay Soomaaliya ay aad u yartahay maadaamo dalalka Caalamka ay kajiraan dibaatooyin kala duwan oo keeni waayay inay gurmad sameeyaan.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar daran oo saameysay dad iyo Duunyo, waxana hay’adaha samafalka & dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay Abaarta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: