Maamulada Puntland & Galmudug oo Kulan Amaanka ku saabsan yeeshay

Gudoomiye kuxigeenka ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Xasan Cabdullaahi Warsame ayaa Maanta shir-gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay si wada jira uga wada so qayb galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka oo isbuuclaa ayaa waxaa Goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Gudoomiyayaasha Dagmada Gaalkacayo Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Mudug iyo Ceyn,Taliye kuxigenka Ciidanka Nisa iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Ee Galmudug qaar kamida taliyayaasha Boolis Labada Dhinac Ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxa uu kadhacey Xarunta Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Puntland waxaana Kasoobaxey qodobo muhiim ah u ah Isdhexgalka iyo Amniga Gobolka Mudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com