Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid qodobo ka soo baxay Golaha Ammaanka Afrika

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid qodobo ka soo baxay Golaha Ammaanka Afrika

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugaga hadlay baaqii ka soo baxay golaha ammanka iyo midowga Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaa oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso balse ay soo dhoweeyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya.

“Dowladaha kenya iyo jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaa balse waxaan la yaabanahay dowlada Jabuuti maadaama khilaaf uu hore uga dhexeeyay dowlada Kenya.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dubbe.

“Dowlada Jabutti waxa ay sii wadaa wixii aan hore ugaga digney afar sano kahor,kursiga ay Jabuutiku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayaan ugu ogolaatay Jabuuti.”ayuu yiri Dubbe.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in goluhu cambaareeyay go’aan ay gaareen golaha shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com