Dowladda Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad xamùul siday oo ku soo jeedday magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad xamùul siday oo ku soo jeedday magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta hawadeeda ka celisay diyaarad xamuul culus sidday oo ku sii jeedday garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, taasoo ka soo duushay magaalada Sharjah ee iskugaga Imaaraadka Carabta.

Diyaaraddaan oo ka diiwaangashan dalka Thailand, ayaa diiday intii ay duullimaadka ku soo jirtay in ay sheegto nooca xamuul ee ay waddo, taasoo keentay dowladda Soomaaliya in ay amarto in aysan soogelin hawada Soomaaliya, dibna ay ugu laabato halkii ay ka soo kicintintay ee Imaaraadka.

Diyaaraddaan oo dib uga laabatay Soomaaliya ayaa la xaqiijinayaa in ay wadday agab millatari oo Somaliland dibedda ka soo iibsatay, inkastoo aysan weli soo bixin faahfaahinno dheeraad ah oo muujinaya malafka xamuul ee diyaaraddaasi.

Waa diyaaraddii labaad oo dowladda Soomaaliya ay hawadeeda ka celiso labo maalmood gudahood, waxaana sidaan oo kale shalay dowladda Soomaaliya hawada uga celisay diyaaradda Ethopian Airline oo ka soo duushay Addis-ababa, kuna soo jeedday isla magaalada Hargeysa.

Tallaabooyinkaan ayaa imaanaya kadib markii bilawgii bishaan Jannaayo ee 2024 madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu is afgarad la gaaray R/wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, isafgaradkaasi dowladda Ethopia u ogalaanaya qaybo ka mid ah biyaha iyo birriga Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com