Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa shaqaalaha la wareegi lahaa saadaasha iyo ka digista musiibooyinka

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa shaqaalaha la wareegi lahaa saadaasha iyo ka digista musiibooyinka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyn musiibooyinka DFS ayaa manta tababar u furtay shaqaale iyo qubaro loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan xarumaha bixiy

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe ( dhegayso | daawo )
Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn
Shirkii Tabashada Beesha Tanade Daarood oo Qodobo Hordhac ah laga soo Saaray (dhegayso)

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyn musiibooyinka DFS ayaa manta tababar u furtay shaqaale iyo qubaro loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan xarumaha bixiya digniinta musiibooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad gobaleed.

Tababarka oo ay bixinayaan qubaro ku taqasustay maareynta musiibooyinka ayaa waxaa ka qeyb galaya oo ka faa’iideysana qubarada loogu tala galay in ay sii tababaraan shaqaalaha ka shaqeyn doona xarumaha ka diga Halis-wadareedyada ee heer Dowlad Gobaleed iyo heer Dowladda Federal-ka ah.

Ilaa 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo la taliyaasha ayaa ka faa’iideysana casharrada tababarkan oo socon doona muddo seddex cisho

Tababarista shaqaalaha ayaa qeyb ka ahayd heshiis seddex geesood ahaa oo dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS, Barnaamijka cuntada u qaabilsan qm ee WFP iyo hey’adda sacuudiga laga leeyahay ee King-Salmaan Foundation.

Heshiiskan ayaa dhigayay in dhammaan Dowlada Gobaleedyadad dalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumo sii faaqida halis-wadareedyada, isla markaasina bixiya digniinaha ka hor inta aanay qatartu soodhawaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: