Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn

HomeWararka

Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn

idowga Yurub ayaa ugu hanjabay milkiilaha Twitter-ka Elon Musk in lagu soo rogi doono cuna qabateyn, kadib markii dhowr wariye oo ka hadlay arrimaha s

Saaka & Dunida iyo cFataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Abiy Somalia wuxuu u haystaa dal uu Madaxdiisa diyaarad ku ridan karo”
GAROOWE: Odayaal & waxgarad diiday in Faroole markale Aqalka sare uu kamid noqdo (Daawo)

idowga Yurub ayaa ugu hanjabay milkiilaha Twitter-ka Elon Musk in lagu soo rogi doono cuna qabateyn, kadib markii dhowr wariye oo ka hadlay arrimaha shirkadda si lama filaan ah loogga xiray akoonadooda.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Midowga Yurub, uu lagama maarmaan ka dhigayo “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda”.

Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Jarmalka, ayaa sidoo kale uga digay shirkadda Twitter-ka in “Xorriyada saxafada aan laga gorgor tami karin”.

Guddoomiye Jourova, ayaa sheegtay in warka ku saabsan xirista akoonadaa suxufiyiinta ee Twitter uu yahay “arrin walwalkeeda leh”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: