Dowladda Soomaaliya oo digniin xoogan u dirtay Maamulka Somaliland

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo digniin xoogan u dirtay Maamulka Somaliland

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala ha

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMMO KU SAABSAN DIB U HESHIISIINTA KOONFUR-GALBEED LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA
CAAWA & DALJIR | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee deegaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland, islamarkaana taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

Waxay sidoo kale sheegtay Wasiiradda ineysan sharci aheyn in Somaliland raadiyaha Hargeysa u yaala ay kula hadlaan diyaaradaha dul maraya ee aanan kusoo dageen garoomadeeda ama ka duuleyn.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiiradda ayaa imaanaya, iyadoo horay hay’adda Duulista Rayidka ay usoo saartay qoraalo ay uga digeyso Somaliland carqaladeynta dhanka hawada ay ku sameynayaan diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: