DF Soomaaliya oo shuruud ku xirtay inay mashaariic ka fuliso dowlad goboleedyada

DF Soomaaliya oo shuruud ku xirtay inay mashaariic ka fuliso dowlad goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mashaariida horumarineyd ay ka fulineyso goobaha dadka degan ay iska xoreeyeen ururka Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen dadkii hoggaanka iyo haldoorka u ahaa dadka ku nool Gobolka Hiiraan, hase yeeshee hadda ay heystaan fursad ay ugu aargutaan mas’uliyiinii ay ka dileen Ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu hadalkiisa ku daray in bulshada ku nool Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya looga baahanyahay inay tartan u galaan sidii dagaal loogu qaadi lahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadkii degaannadooda ka saara dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo baahi oo jirta.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo degaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo garab ka helaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com