Dowladda Somalia oo Ciidamo farabadan geysay duleedka Buulo-Burde & dhaq dhaqaaqo ka socda

Dowladda Somalia oo Ciidamo farabadan geysay duleedka Buulo-Burde & dhaq dhaqaaqo ka socda

Ciidamo katirsan kuwa qebta 27aad ee Millateriga Soomaaliya oo aad u hubeysan, isla markaana wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa Maanta waxaa a kasoo baxeen degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo howlgallo ka wada degaano hoostaga degmadaas.

Ciidamada ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxa a sheegeen inay howlgallada ka sameeyeen degaannada kala ah Ceemooy, dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20km ujira degmada Buulo Burde.

Wararka ayaa waxaa a intaasi kudarayaan in Ciidamada ay hawada ka saareen dhammaan isgaarsiintii degaannada howlgalka ay ka sameenayeen, iyaga oo sidoo kale Bur-buriyey Doomo ku xirnaa wabiga Shabeelle, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka gudbi jireeyn xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ka ahaa howlgallada Ciidamada.

Saraakiishu weli ma shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu qeyb ka ahay howlgalalda guud ee Ciidamada dowladda ka wadaan degaano io degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com