Dowladda Somaaliya oo Wadda qorshe lagu soo celinayo Diyaaradi Somali Air

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo Wadda qorshe lagu soo celinayo Diyaaradi Somali Air

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeybgalayay barnamijka kulanka Todobaadka ee

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Qardho (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Taliyaha Booliska gobolka Bari ” Dad badan baa usoo qabanay dilalkii dhacay”

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeybgalayay barnamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa warbahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay wasaaraddu wado,kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada SOomaaliyeed.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha,dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasir oomaar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: