Dowladda Somaaliya oo ka hadashay talaabadi kenya ku burburisay xarunti Hormuud ee Gedo

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo ka hadashay talaabadi kenya ku burburisay xarunti Hormuud ee Gedo

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deeg

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay shaqaaqo xalay dhexmartay ciidamo dowladda kawada tirsan

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Canshuur.

Wasaaradda Boostada ayaa hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed oo ay geysteen Ciidamada Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: