Guddiga dib u heshinta Galmudug oo beeniyeey inu fashilmay shirkii dhuusamareb

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi (Baadiyow) ayaa sheegay inuu heer gabogabo ah uu marayo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmi doona Dhuusamareeb.

Dr. Baadiyow ayaa been abuur ku tilmaamay warar laga faafiyay shirweynahaas oo ahaa inuu khilaaf soo kala dhex galay Guddiga, kaddib markii xubin ka tirsan Guddiga oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho uu sheegay in xubnaha Guddiga ay wadaan afkaaro diimeed iyo wax aan aheyn wixii laga filayay in shirka

“Dhismaha dawlad-goboleedka Galmudug oo ay dhistaan dhamaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan, Hordhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hoggaanka dhaqanka, kana qayb galayaan qaybaha bulshada Rayidka ah, Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo, War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milin khilaafaadka siyaasadeed”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

C/kaafi Maxamed Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ayaa sheegay inuu jiro khilaafka Guddiga soo kala dhex galay oo ku saabsan kala aragti duwanaan la xiriira qaabka shirka loo wado iyo inta maalin shirka soconayo, isla markaana ay tahay in lagu casuumo shirka beelaha ka qeyb galaya shirka Hobyo.

Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa labo jeer dib u dhac ku yimid, waxaana Guddiga qaban qaabaada shirka uu ku adkeysanaya in maalmaha soo socda uu furmi doono, lana dhameystiray adeegyadii loo baahnaa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com