Dowladda Somaaliya oo Dacwad u Gudbisay kenya sababtu maxay tahay?

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo Dacwad u Gudbisay kenya sababtu maxay tahay?

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirka

Sheekh Shariif oo sheegay inuu Yahay Musharrax Madaxweyne (2020 Daawo)
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Laamaha Hay’addaha UN-ka ee Puntland (Sawiro)
Xulashada Daljir & Cumar Lakiman iyo Daljir Boosaaso (dhegayso)

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, taasoo ugu dambeysay xarun shalay la burburiyay oo ku taalay Jubadda Hoose.

Ciidamo Kenyan oo ka soo gudbay xadka aan la wadaagno ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasoo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaana saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada.

“Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: