Dowladda oo soo bandhigaysa qorshe cusub oo lagu la dagaalamayo Musuqa

Dowladda oo soo bandhigaysa qorshe cusub oo lagu la dagaalamayo Musuqa

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay bilaabayaan qorsho lagula dagaalamayo musuq maasuqa kajira dalka si dadka Soomaaliyeed Cadaalad loogu Shaqeeyo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka ay ku howlan yihiin ka hortegida musuq maasuqa, isla markaana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan waxkasta oo keeni kara musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac in haatan uu socdo qorsho lagu dhameystirayo Xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa, wixii xilligaas ka dambeeynaya Dowladda dhexdeeda lagala dagaalami doono musuq maasuqa, iyada oo la kaashanayo hani dhowraha Qaranka iyo Xeer ilaalinta.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda Soomalaiya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaa uu ka sheegay shir looga hadlayay la dagaalanka Musuq maasuqa oo uu ka furay Magaalada Muqdisho.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com