Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Tuulada Bukure ee hoos tagta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay aad ugu xooganaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen Tuulada Bukure halkaas oo dhawaan Al-Shabaab fariisin cusub ka sameysteen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Maxamed Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigii weeynaa oo ay Al-Shabaan kulahaayeen Tuulada Bukure, isla markaana ay ka dileen 12 dagaalame.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalka uu yahay mid weli ay ka wadaan tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayna siweyn u xaqiijinayaan Amniga Guud ee degaannadii ay kala wareegeen Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com