Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 katirsan Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Welmarow oo 40KM u jira degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas qasaare lixaad leh loogu geystay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada uu howlgalka ka dhacay.

Howlgalka ayaa dowladdu sheegtay in uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidammo sida gaarka ah u tababaran ee Danab laguna qaaday goob ay isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Shabaab, isla markaana halkaasi looga dilay ku dhowaad 40 Xubnood.

Sidoo kale Warka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Wararka hordhaca ah ee Warbaahinta Dowladda ay heshay ay xajiijinayaan in hawlgalka dadka lagu dilay ay ku jiraan Saraakiil, sidoo kalena lagu bur buriyey hub iyo gaadiid dagaal.

Saraakiisha ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhankooda weli ka hadlin warkaan kasoo baxay dowladda ee ku aadan in ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiiibada caalamiga ah in duqeyn ay ka fuliyeen degaano katirsan Jubbaland, wallow dhowr jeer ay siwadajir ah Ciidamadu howlgallo u wada fuliyeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta u dhaxeeysa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo u diyaar garoobaya wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com