Dowladda oo sheegtay in Cudurka Covid-19 oo saamayn u geeystay dhaqaalaha

HomeWararka

Dowladda oo sheegtay in Cudurka Covid-19 oo saamayn u geeystay dhaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo guddida

Xulashada Daljir & Cabdirisaaq Cabdalla Faamoos, Daljir Ufeyn (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdinaasir jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Guddiyada amniga Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo guddida Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ay ku falan-qeynaayeen saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddida hawshan soo qaban-qaabisay, waxaana uu sheegay in daraarasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee Ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga wadanka balse dedaalo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Ganacsatadu ba ay wakhtigan yaraatay saameyntii cudurkaasi.

Waxa uu sheegay in wakhtiyadii uu cudurkani xooganaa ay dawladdu cashuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.

Wasiirku, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday dedaalada ay ka Wasaarad ahaan ku fududeynayaan kuna horumarinayaan Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba dhiiri-gelinta Maal-gashiga, waxaana uu xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay Soomaaliya maanta ka mid noqonayso ururada caalamiga ah ee ganacsiyada aduunka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: