Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Guddiyada amniga Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Guddiyada amniga Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/Wali Jaamac Gorad ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kual kulmay Guddiyada amaanka ee labada dhinac magaalada iyo Ururrada Bulshada rayidka ah.

Kulankan oo Taliyaha iyo Saraakiisha amaanka ee labada dhinac su’aalo lagu weydiinayay ayaa looga hadlayay marka hore halka uu marayo amniga Gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo kaddib Ciidamadii isku dhafka ahaa ee loo sameeyay Magaaladaasi.

Taliyaha oo Bulshada warbixin ka siinayay kaddib kulamada Guddiyada ayaa sheegay in amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudugba uu yahay mid wanaagsan islamarkaana dhibaatooyinkii dhici jiray laga reystay sida uu sheegay.

Taliye Gorod ayaa beeniyay in Dowladda Federaalka ah ay Puntland ku qasabtay Xero ciidan oo ku taalla Gobolka Mudug taas oo dadkii kulanka ka qeybgalay ay taliyaha weydiiyeen in bixinta xeradaas lagu qasbay Puntland.

Taliyaha iyo Saraakiisha labada dhinaca ee ka qeybgalay shirkaas ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Gaalkacyo in ay iska kaashadaan xaqiijinta amniga oo ay ku sheegeen in iyaga aan loo dhaamin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com