Dowladda oo gargaar deg-deg ah maanta u diraysa Baladwayne iyo Baydhabo

HomeWararka

Dowladda oo gargaar deg-deg ah maanta u diraysa Baladwayne iyo Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah u direysa maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo,goordhow ayaa lagu wadaa lab

Madax ka tirsan Galmudug oo soo dhaweyey Wafdi kasocda Jaamacada Umadda (dhegayso)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka (Akhriso)
Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha DFS & Maamul gobaleedyada oo Muqdisho ka furmay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah u direysa maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo,goordhow ayaa lagu wadaa labadaas diyaaradood inay ka duulaan garoonka diyaaraha ee Muqdisho iyaga oo ku sii kala jeeda Baladwayne iyo Baydhabo.

Diyaaradaha Gargaarka saaran ayaa loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato.Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha si ay uga badbaadaan Fatahaadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: